Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Ay Wada Gaadheen Xukuumaddiisa iyo Midowga Musharixiinta

Muqdisho (Dhamays) – Madaxweynaha Soomaaliya ee mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhexmaray Xukuumaddiisa iyo Midowga Musharixiinta.

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku boggaadiyey Ra’iisal Wasaare Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka midho-dhalinta waan waantan.

Heshiiska ay wada gaadheen Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiintu ayaa sababay in midowga Musharixiintu dib uga laabtaan dibadbax ay doonayaan in ay maanta ka dhigaan magaalada Muqdisho.

Open chat
soo dhawoow walaal