Duufaantii AWDAL: Wiil Keligii Ka Soo Hadhay Qoyskiisii (DAAWO)

Gargaara (Dhamays) – Ibraahim Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka barta tuulada Gargaara ee Gobolka Awdal ayaa masiibo naxdin leh ku habsatay, ka dib markii duufaantii Roobka wadatay ka dishay Siddeed Qof oo qoyskooda ah.

Ibraahim Muuse Cabdi waa arday ay masiibaddii ka dhacay Awdal uu kaligii ka badbaaday, waxaa Daadadkii rogmanayey gurigoodii ugu soo galeen qoyskoodii oo ka kooban siddeed qof, lix uu la dhashay iyo labadii waalid, waxaanu yimid gurigii oo banaan noqday oo daadku dhinac walba ka joogo.

“Markii aan iskuulkii ka imid waxaan imid gurigii oo banaan noqday oo uu daadkii qaatay reerkii oo dhan, waxaana halkaasi ku geeriyooday siddeed qof, lix aanu walaalo ahayn iyo aabo iyo hooyo”ayuu yidhi, waxa uu sheegay in uu isaga iyo laba qof oo kale oo qof Jabuuti joogto uun ka badbaadeen.

Goboladda Galbeedka waxa ka dhacday masiibo xun oo dadkii banaanka joogaan ka dib markii guryihii ka burbureen, isla markaana aanay haysan Hu iyo Cunto.

Labadii diyaaradeed ee Imaaraadku usoo direen in loogu gurmado dadka masiibadu ku habsatay ayaa illaa shalay iyo maanta daad gureynayey Raashinkii iyo biyo la gaadhsiinayey dadka ku godoonsan degmooyinka qaarkood.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: