Dowladda Somaliland oo Warqad Ashkato ah u Gudbisay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay

Hargeysa (Dhamays News) – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay u gudbisay ashkato iyo dacwad buuxda oo ka dhan ah gaadiidka millatari ee uu dalka Qatar ku caawiyey Dowladda aan Iskeed Isku maamulin ee Soomaaliya taariikhdu markii ay ahayd 17 January 2019-ka, gaadiidkaas oo tiradiisu dhan tahay 68 baabuurta qufulan ee dagaalka ah.

Dowladda Somaliland

Warqadda dacwadda ah oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wargeyska Jamhuuriya arkay nuqul ka mid ah xalay, waxa lagu socodsiiyey Madaxweynaha Golaha Ammaanka Mr. Francisco Antonio Cortoreal, isla markaana la ogaysiiyey dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka oo kala ah; Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka, Belgium-ka, Ivory Coast, Equitorial Guinea, Kuwait, Dominican Republic, Indooniisiya, Peru, Koonfur Afrika, sidoo kalena lagu xusay Ururka Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD, taasoo lagu caddeeyey in dowladda Somaliland ay si xoog ah uga niyad-jabsan tahay, ugana walaacsan tahay halista amni-darro ee ka dhalan karta gaadiidka millatari ee uu dalka Qadar bixiyey, maadaama laga cabsi qabo inuu si dhib yar ugu gacan-galo kooxaha argagixisada iyo maleeshiyo-beeleedyada ka jira Soomaaliya.

“Waxa aannu ka walaacsannahay in xad-gudubka lagu sameeyo qaraarkii tir-sigiisu ahaa 2444 (2018) ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee hoostaga cutubkiisa VII ee Cahdiga Qarammada Midoobay, waxa uu sare u sii qaadi karaa colaadaha dabada dheeraaday ee ragaadiyey, cawaaqibka xunna ku reebay Soomaaliya iyo inuu sii huriyo in deganaansho la’aanta iyo xasilooni-darradu ku faafto Gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Somaliland. Sidoo kale waxa la ogyahay in qaraarka Golaha Ammanka ee 2444 uu si dhammaystiran u cambaareeyey gudbinta qalab kasta oo millatari oo natiijadiisu ku dambayso inuu gacanta u galo Ururka Al-shabaab iyo kooxaha kale ee xag-jirka argagixisada ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Sida lagu caddeeyey warqadda dacwadda ah, dalka Qadar waxa uu ku doodayaa in gaadiidka millatari ee uu caawimada u bixiyey loogu talogalay in lagu taageero dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii dhidibada loogu taagi lahaa xasiloonida iyo nabadgelyada guud, loona sii xoojin lahaa dagaalka ay kula jirto argagixisada, balse waxa ay Dowladda Somaliland iftiimisay in tamar-yarida maamulka Soomaaliya uu sababi karo in hubka iyo gaadiidkaasiba loo adeegsado khilaafaadka kale ee ka taagan Soomaaliya, sababina karo dhimashada dad aad u badan, maadaama ay Soomaaliya haatan siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba aad u kala daadsan tahay.

“Qalabka difaaca iyo hubka kala duwan ee loo gudbiyo Soomaaliya ama laga iibiyo iyo dedaalada kale ee lagu dhisayo awoodda iyo tayada hay’adaha ammaanka Soomaaliya waa arrimo ujeedo fiican xambaarsan, balse aan marna lagu guulaysan ilaa hadda, laakiin haddana arrintaasi maaha mid laga taxadiro cawaaqib-xumooyinka kale ee ka iman kara, maadaama oo hubkaas iyo saanadda millatarigu ay si joogto ah ugu kala gudbaan maleeshiyo-beeleedyada iyo kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya. Nidaamkan guracan ee lagu sii dhaqmayo uu jidaynayo, iyadoo aan dhibtiisa la dersin waxa uu jidaynayaa oo qudha khatarta uu ku keenayo amniga iyo degannaanshaha degaannada Bariga Afrika,” ayaa lagu yidhi warqadda ka soo baxday Dowladda Somaliland.

Waxa kaloo uu Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku wargeliyey Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay in hubka la soo dhexmariyo Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya uu mar walba halis ku yahay amniga iyo xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Dalka Somaliland waxa uu hore u soo noqday cidda u horaysa ee la kulanta cawaaqib-xumada amni-darro ee uu sababay hubkan jihadiisii laga weeciyey, waxaanna jirtay in kooxo hubaysan oo ka faa’iidaysanaya hubka, rasaasta iyo gaadiidka dagaalka ee loogu talogalay in lagu caawiyo Soomaaliya ay dalka Somaliland ka soo galaan xuduudka dhinaca bari ee aannu la leenahay Puntland, iyadoo ay kooxahaasi hubaysan khalkhal-geliyaan xaaladaha amniga iyo degannaanshaha bulshooyinka ku dhaqan bariga Somaliland, waxayna weliba ay Dowladda Somaliland ogtahay maamulka Soomaaliya oo dabada soo geliya Puntland ay si toos ah uga masuul bilawga colaadda laga huriyey degaanka Tuko-raq.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sidoo kale caddeeyey in aanay dowlad ahaan ka helin dalka Qatar wax macluumaad ah oo la xidhiidha feejignaanta iyo nidaamka taxadir ee ay ugu talogaleen inay ku ilaaliyaan gaadiidka millatari ee ay ku caawiyeen maamulka Puntland, una soo dhexmariyeen Soomaaliya, in aannu u sii gudbin gacmaha kooxaha Al-shabaab iyo ISIS ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Galgala iyo degaanada kale ee ku hareeraysan.

“Maadaama oo uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay yahay cidda masuulka ka ah ilaalinta iyo hubinta xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaana qiimeeya amniga degaanka Soomaaliya iyo dhulka ka baxsanba, waxa ay Dowladda Somaliland codsanaysaa in dalalka hubka ugu deeqa ama ka iibiya Soomaaliya ay masuuliyaad gaar ah iska saaraan sida ugu habboon ee loo hubin karo, loogana hortegi karo in hubkoodu aannu u gudbin kooxaha argagixisada iyo maleeshiyaad kale ee hubaysan. Gaadiidka millatariga ee ay dowladda Qatar ku caawisay Soomaaliya-na waa in nidaamkan oo kale loo qiimeeyo, loogana war hayo halka uu ku dambeeyo. Haddii lagu guul-daraysto in la helo damaanad-qaad ku filan oo lagaga hortago in hubkan ka gudbo ujeedooyinkii loogu talogalay, waxa uu keeni karaa xaalad halis ku ah amniga guud, xasiloonida iyo horumarka dalka Somaliland iyo degaannada kale ee ku hareeraysan. Dowladayadu (Somaliland) waxa ay ku rajo-weyn tahay in la heli doono sidii dareenkiinu si degdeg ah ugu soo jeedsan lahaa, loona qaadi lahaa tallaabo la xidhiidha xaaladdan mushkiladeedu isa soo tarayso ee xad-gudubka iyo meel-ka-dhaca ku ah qaraarkii tirsigiisu ahaa 2444,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.