Dowladda Ingiriiska oo Faahfaahisay Arrimaha ay ka Wadahadleen Wasiirkooda Difaaca iyo Madaxweynaha Somaliland

Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar)Nuxurka qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca UK + farriin uu soo saaray Wasiirka Difaaca Ingiriiska iyo faahfaahintii ay Somaliland bixisay.

Hargeysa (Dhamays) – Dowladda Ingiriiska, ayaa si rasmi ah uga hadashay safarkii Wasiirka Difaaca UK iyo weftiga uu hoggaaminayo ku yimaadeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxyaabaha lagaga wadahadleen kulankii uu la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska shalay oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa lagaga hadlay natiijada safar Wasiirka Difaaca UK Mr. Gavin Williamson ku maray dalalka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan (South Sudan) maalintii Axadda, iyadoo qoraalkaas si gaar ah loogu xusay in masuulkani yahay Wasiirkoodii u horeeyey ee booqda Somaliland.

“Waxa uu (Wasiirka Difaacu) safar ku tegay Somaliland, iyadoo uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi. Mr. Gavin Williamson oo ah Wasiirkii u horeeyey ee ka tirsan Golaha Wasiirrada Ingiriiska ee booqasho ku taga Somaliland, waxa ay (Madaxweyne Muuse Biixi) ka wadahadleen waxyaabaha mudnaanta leh ee ay labada dhinac wadaagaan ee ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, sidoo kale la-dagaalanka argagixisada iyo doorka uu millatariga Ingiriisku ku leeyahay talo-siinta iyo tabobarista Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay dowladda UK oo wargeyska Jamhuuriya ka soo qaatay qaybta khusaysay Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca Ingiriiska, ayaa Twitter-kiisa ku faafiyey qoraal uu si kooban ugaga hadlay safarka uu ku yimmid Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey in ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Ingiriiska.

“Waxa aan kulan gaar ah oo faa’iid leh la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyadoo aannu ka wada-xaajoonay sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labadayada waddan. Waxa kaloo fursad ii ahayd in aan soo arko qaar ka mid ah shaqooyinka ay Ciidammadayada Millatarigu ka qabtaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Ingiriisku.

Geesta kale, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo saxaafadda kula hadlay Caasimadda Hargeysa shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkii uu Wasiirka Difaaca Ingiriisku ku yimmid dalka Somaliland, isagoo sheegay in safarkaasi uu yahay guul u soo hoyatay Somaliland.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa ay ahayd booqasho khaas u ah Somaliland oo taariikh ah, booqashadaas Xoghayuhu (Wasiirka Difaacu) waxay muujinaysaa muhiimadda iyo danaynta ay dowladda Ingriisku u hayaan Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).

“Imaatinka Xoghayuhu waxay ka turjumaysaa kow (1) sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska, arrimaha amniga ee gobolka oo beryihii u dambeeyey isbeddellada aad la socotaan ka dhacayeen iyo joogtaynta cilaaqaadka labada dal, khaasatan ka Wasaarad ahaan wakhti badan ayaannu wada qaadanay oo waxyaabo badan oo muhiim ah ayaanu ka wadahadalnay.”

Wasiirka Difaaca dalka Ingiriiska Mr. Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo dalka shalay imid ayaa ah masuulkii ugu ugu cuslaa ee abid soo gaadha dawlada Somaliland kaasi oo ka tur jumaya xaalka iyo horumarka Somaliland ay mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsanaysay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: