“Doorashadii Somaliland Waxay Cashar U Tahay Ummadda Soomaaliyeed..” Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Muqdisho (Dhamays) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland, ayaa ku tilmaamay doorashadii Somaliland mid ay ka muuqatay isku dulqaadasho siyaasadeed iyo Ilbaxnimo, isaga oo bogaadiyay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaa rabaa Anniga oo fursaddan ka faa’ideysanaya inaan  hambalyeeyo shacabka Somaliland iyo Madaxweynaha la doortay intaba, waxaan leeyahay waxaad muujiseen Ilbaxnimo siyaasadeed oo ku dayasho mudan.” ayuu yidhi ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Khadar ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen shacabka Somaliland tahay guul u soo hooyatay dhamaan bulsho weynta Soomaalida iyo cashar wax badan laga baran karo, maaddaama Soomaaliya ay ku soo fool leedahay sida uu hadalka u dhigay doorasho Qof iyo Cod ah “Waxaan odhan karnaa habka ay doorashadu u dhacday waa guul u soo hooyatay umadda Soomaaliyeed iyo cashar wax badan laga baran karo, maaddaama Annagu ka xukuumad ahaan iyo baarlamaan ahaan intaba u diyaar garoobeyno in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah.” Ayuu yidhi, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: