Doorashaddii Xubnahii Iskood Ushaqatagay Isla markaana Sheeganaayey In Ay Somaliland U Matalayaan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaliya Oo Dib U Dhacday

Muqdisho (DMG)- Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaliya ayaa waxa maanta ka qorshaysnayd in ay ka qabsoonto doorashaddii xubnihii u shaqatagay naftooda ee sheeganaayey in ay u matalayaan aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaliya Goboladda Waqooyi Ama Somaliland, taasi oo hadda la sheegayo inuu dib u dhac kuyimid.

 

Guddiga doorashadda heer federaal ayaa hore u sheegay in guddiga oo kaliya uu go’aan ka gaari karo waqtiga iyo halka lagu qabanayo doorashadda, waxayna sheegeen in maanta aysan doorashada labada aqal ee waqooyi aysan qabsoomin doonin, iyagoo aan faahfaahin ka bixin sababaha ay ku joojiyeen.

guddiga doorashadda goboladda waqooyi ee Somaliland ayaa toddobaadkii hore 24 bisha december oo maant ku beegan u mudeeyay qabsoomida doorashadda xubnaha aqalka sare, iyagoo tilmaamay in la dhameeyay cabashadii saami qaybsiga goboladda Sool iyo Sanaag ee 11 xubnood ee qalka sare.

 

dhinaca kale,doorashada aqalka hoose ee gobollada waqooyi oo ilaa hadda la doortay 289 xildhibaan, ayna dhiman yihiin doorashada 17 xubnood, waxaa la filayay in la soo dhamaystiro toddobaadkan, taasi oo hadda u muuqata in ay dib u dhacayso.

 

Gabagabadii,Guddiga doorashadda heer federaal iyo guddiga doorashada goboladda waqooyi oo uu magacaabay guddoomiyihii hore ee barlamaanka federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa muuqata inuu khilaaf soo kala dhexgalay, iyagoo go’aamo mudayn doorasha oo iska soo horjeeda ay soo saareen.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: