Doodda Shirkadaha Qaadku Ka Qabaan Inay Qayb Ka Yihiin Sicir-bararka

Hargeysa (Dhamays) – Khilaaf ka dhashay Cashuur Wasaaradda Maaliyaddu ku kordhisay Qaadka Somaliland looga iib-keeno Dalka Itoobiya ayaa la soo afjaray, ka dib markii ay wada-hadal yeesheen Shirkadaha qaadka keena iyo laamaha Xukuumadda ee arrintaasi khusayso.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa Kiilooga Qaadka ah ku kordhisay Cashuur dhan 2,690 (Shilin), laakiin Shirkadaha Qaadka ayaa diiday Lacagtaasi inay bixiyaan, laakiin Wada-hadal ay la yeesheen Xukuumadda ayaa waxa la isku afgartay in Cashuurta lagu kordhiyey qayb ka mid ah laga daayo isla-markaana ay qayb bixiyaan.

Sidaana waxa sheegay  Xasan Weerar oo sheegay inuu yahay Afhayeenka Qaadleyaasha Somaliland, kaasi oo Shalay Saxaafaddu wax ka waydiisay Cashuurta lagu kordhiyey iyo waxyaabaha ka soo baxay Wada-hadallada ay la yeesheen Xukuumadda “in Cashuurka Qaadka la kordhiyo waanu isku ogayn marka hore, laakiin Cashuurta ay kordhiyaan Cashuur badan bay ahayd, markaa dib ayaanu uga Wada-hadalnay, markaa qaybna way naga daayeen, qaybna waanu aqbalnay..” ayuu yidhi, Xasan Weerar, waxaanu intaa ku daray “Cashuurta la nagu kordhiyey waxay ahayd 2,690 (Shilin) halkii Kiilooba, markaa 1,90 (Shilin) waa la naga daayey, 1,600 waanu qaadanay (Aqbalnay).”

Afhayeenka Qaadleyaashu wuxuu sheegay “Markii hore waanu isku dhacnay Xukuumadda, laakiin markii dambe ayaanu si wanaagsan u wada-hadalnay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, wixii aanu ka cabanaynay waa la naga daayey, markaa arrinkayagu waa heshiis, Cashuurtaa imika sare loo qaadayna waa wax aanu isla ogollahay.”ayuu yidhi, Afhayeenka Qaadleyaashu.

Afhayeenka oo la waydiiyey in Qaadleyaashu qayb ka yihiin Sicir-bararka Lacagta Dollarka, ayaa ku jawaabay “Sicir-bararka jira kollay qayb-baanu ka ahayn waa xaqiiq oo ma diiddanin haddii aanu nahay reer Qaad-wale, laakiin waxa meesha taalla siday u fadhiisanaysaa, Waayo? Lacagta Birta innagu ma lihin, Dollar-kana innagu ma lihin, haddii Bir lagu qaatana Sicir-barar bay keenaysaa, haddii Dollar lagu qaatana Sicir-barar bay keenaysaa, markaa Qaadka oo keliya ma sababo (Sicir-bararka) ee waxyaabo badan baa sababa. 5 Milyan waxay habeenkii u hoydaan Zaadka, ku hadalkuna waa Saddex Milyan, markaa 8-daa Milyan baa u hoyda (Zaadka), laakiin Annaga habeenkii 3 boqol oo kun oo Dollar baa noo hoyda ama Boqol iyo labaatan, markaa eedayntu annaga uun maaha ee waxa ugu daran Malcaamadaha Qur’aanka iyo kuwa Wadaaddada ah ee Qaadka eedeeya, Ilmaha yar waxay ka qaataan 35 Dollar, Dawladduna Cashuur kama qaaddo, Laydhkaa Dollar laga qaadaa, Xoolaha Dollar baa lagu iibiyaa, wax lacagta Somaliland qaata Annaga ayaa jirna.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: