Dhakhaatiirta Kenya Oo Shaqo-joojin Sameeyay iyo Saamaynta Ay Yeelatay

Nairobi (Dhamays) – Dhakhaatiirta dalka Kenya, ayaa Maanta billaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushahar kordhin, taas oo qeyb ka ahayd heshiis ay dowladda la galeen seddex sano ka hor.

Shaqo joojinta ayaa curyaamisay in ka badan 2000 oo xarumo caafimaad oo dowladda Kenya ay maamusho.

Waxay sidoo kale dhakhaatiirta dalbanayaan in shaqaale badan la qoro si culeyska uu uga yaraado shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda.

Dowladda ayaa shaqo joojinta ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, maaddaama maxkamad ay amartay in dib loo dhigo illaa dhammaadka bishan si labada dhinac ay u wada hadlaan.

_92836520_401bc181-9670-4c0a-ad7b-bf5d430d7fa0

Dhakhaatiirta waxay sheegeen in xitaa howlaha deg-degga ayna qaban doonin muddada shaqo joojinta ay socoto.

Tallaabadaasi ayaa halis gelin karta nolosha kumannaan qof oo aanan awoodin inay tagaan cisbitaallada gaarka loo leeyahay.

Cisbitaallada aan shaqeyneyn waxaa ka mid ah, kuwa dhalmada, cudurrada maskaxda iyo qaybaha qalliinada lagu fuliyo.

Mid ka mid ah cisbitaallada lagu daweeyo dadka qaba cudurrada dhimirka ayaa la sheegayaa in illaa 100 bukaan ay ka baxsadeen.

Cisbitaalka Madare ee Nairobi ayaa lagu hayaa boqollaal qof oo xanuunsan kuwaas oo dowladda ay caawiso.

Ciidammada waxay sheegayaan in qaar ka mid ah bukaanada ay soo qabteen, kuwa kalana ay weli raadinayaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: