Degmooyinka Lagu Dhawaaqay Natiijadii Doorashada Iyo Siday Xisbiyadu U Kala Heleen

Hargeysa (Dhamays) – Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka ee dagmooyinka Sallaxlay, Lughaya, Xudun, Saylac, Gar adag iyo Laascaanood.

Degmada Sallaxlay xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, UCID ayaa ku xiga oo ka helay 3 xildhibaan halka Waddani uu ka helay 2 xildhibaan.

Degmada Lughaya xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo kalay 5 xildhibaan, Waddani iyo UCID ayaa iyaguna ka helay min 2 xildhibaan.

Degmada Xudun xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 7 xildhibaan, Waddani ayaa ka helay 2 xildhibaan halka UCID aanu waxba ka helin.

Degmada Saylac xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa xildhibaano isku mid ah oo 4 iyo 4 ah ka helay halka UCID uu 3 xildhibaan ka helay.

Degmada Gar’adag xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, Waddani ayaa isna ka helay 3 xildhibaan halka UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

Open chat
soo dhawoow walaal