DEG DEG:Odayaasha Subeer Awal oo Beeniyay Inay Balan kaga Baxeen Odayaasha Beesha Ciida gale oo ka Dacwooday Buug uu Qoray Wasiir Guri barwaaqo

Hargaysa(Dhamays):

;Ma jirto Odayaal anaga noo yimi oo Geedkii Dhaqanka noogu Balamay oo aanu kaga baxnay;

;imikana Diyaarbaanu u nahay Arintaasi in aanu Si wanaagsan ku dhamayno waanay ku Dhamaanaysaa….Odayaasha Subeer Awal oo gaadifay Hadalkii Cabashada ahaa ee Odayaasha Ciida gale.

Odayaasha Beesha Subeer Awal oo maanta Mar ay Warbaahinta la Hadlaayeen waxa laga weydiiyay Cabashada ka soo yeedhay Dhigooda Koonfurta Hargaysa ee Beesha Ciida gale oo Sheegay in Odayaasha Beesha Subeer Awal kaas oo ku Saabsanaa Dacwad ka Dhana Buug uu Qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Guribarwaaqo oo ay ka cawdeen Nuqulo ka mid Qoraalka Buugaasi .

Odayaasha Dhaqanka Subeer Awal ayaa Sheegay in aanay Jirin cid ay kaga baxeen balan oo iyaga Dhaqan ahaan la balantay balse ay ogaayeen in Arinta Buuga wassir Guri barwaaqo dacwadeeda ay gacanta ku hayeen Golaha Guurtida iyo Xukuumada Somaliland,balse waxay Sheegeen inay Diyaar u  yahiin Mar walba Cidii Arintaa ka cabanaysa ee Iyaga Geedka Dhaqanka Kula Balanta waxaanay Yidhaahdeen sidan .

;Ma jirto Odayaal anaga noo yimi oo Geedkii Dhaqanka noogu Balamay oo aanu kaga baxnay;

;imikana Diyaarbaanu u nahay Arintaasi in aanu Si wanaagsan ku dhamayno waanay ku Dhamaanaysaa….

;Arintaana Dacwadeeda waxaanu ku Ogayn oo noogu war dambaysa iyadoo Golaha Guurtidu Gacanta ku haysa .

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: