Deg Deg Shirkada Asal Jet oo Iska Difaacday Faafin Khaldan oo lagu Sameeyay Buuga Miyiga Ilaa Madaxtooyada

Hargaysa(Dhamays):Iyadoo maalmahii u Dambeeyay Ay suuqa iyo Qaybaha Warbaahinta Wareegaysa War Sheegaayay in Sifo Khaldan loo Bixiyay Buugii uu Dhawaan soo Bandhigay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi X Cali Xasan oo ay Daabacday Shirkada Daabacaada ee Asal Jet oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargaysa .

Buugan oo suuqa soo Galay labadii maalmood ee u dambeeyay Islamarkaana Qaybaha sooshiyaal media  haystay ayaa la Sheegay inuu ka baxay gacantaa Shirkada Asal Jet Islamarkaana uga baxay Sifo aanu ogayn Qoraagii lahaa Xuquuqda Buugan kaas oo Eedeeda Dusha laga saaray Shirkada iyo masuuliyiinteeda oo lagu eedeeyay inay kaga faaiideysteen Sifo dhaqaale iyo Dano Gaara .

Hadaba Cabadirisaaq  Xasan Rakuub oo isagu ku hadlaayay afka Masuuliyiinta Shirkada ayaa Dhan islahaa leexiyay eedaasi kuna tilmaamay Been Abuur cad isagoo Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub sheegay in aanu marnaba Buugaasi ka bixin gacanta Shirkada islamarkaana ay masuuliyiinta Shirkadu markii warkaasi soo baxay ay yeesheen shirar ay Arintaasi ku Baadhayaan una soo baxday in aanu Buugaasi ka bixin Shirkada Asal Jet.

Halkan ka Daawo Muuqalka warkaasi.

 

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: