DEG-DEG: Shan Carruur Ah Oo Qarax Ku Dhintay + VIDEO

Mandheera (Dhamays) – Warar ka imanaya Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Kenya, ayaa sheegaya inay ku dhinteen Shan Carruur ah.

Shanta Carruurta ah ayaa la sheegay inay ku qaraxday Bam aanay garanayn oo ay ku Ciyaarayeen Xalay Khamiistii, deegaanka Banisa oo hoos taga Degmada Mandheera.

Ku-xigeenka guddoomiyaha deegaanka Banisa Mathias Chisambo oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay Qaraxan uu ka dhashay Bam gacameed ay Carruurtan ku cayaarayeen, isaga oo sheegay in uu socdo baadhitaan arintan ku saabsan.

Maxamed Cali Cismaan oo ah xubin ka tirsan golaha degmada ayaa Warbaahinta u sheegay  in Carruurtan ay helleen Bamka qarxay maalin ka hor xiliga uu Bamku qarxay oo aheyd habeenkii Khamiista.

Bashir Ibrahim Cali oo isaguna ka mid ah Masuuliyiinta Deegaankaas ayaa sheegay in aalladdan Qaraxday ee Carruurtu ku dhimatay u malaynayaan inay tahay waxyaabaha Qarxa oo Gumaystihii Ingiriisku kaga tagay deegaanka Banisa oo ka mid ah deegaannada Ciidammadiisa fadhiisinka u ahaa.

Carruurtay dhimatay ayuu sheegay in ay da’doodu u dhaxeysa 12- 17 sano jir ah, sida uu baahiyey Telefiishanka KTN oo Dhamaysnews.com warkan ka soo xigatay.

Bishii March ee sanadka Labo Carruur ah ayaa ku dhimtay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Bam kula qarxay deegaan lagu magacaabo Hareri-Hoosle oo ku yaala xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: