Saddex Carruur Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Gurigooda Oo Hargeysa Ku Yaalla

Hargeysa (Dhamays) – Saddex Carruur ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Sheedaha ee Magaalada Hargeysa Maanta gelinkii hore.

Sidaana waxa Sheegay Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo Saxaafadda kula hadlay Goobta Carruurtu ku dhimatay.

Taliyaha Ciidammada Dab-damisku wuxuu sheegay in Saddexda Carruurta ah oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ay Hooyadood dusha kaga Qufushay Guri Sandaqad ah oo ay ku jireen, markaasi ka dibna uu ka kacay dab ka dhashay Showladaha Cuntada lagu Karsado oo Guriga yaallay.

Muuqaallo Argaggax leh oo laga soo qaaday Guriga Gubtay, ayaa muujinaya Meydadka Carruurta oo Maryo la saaray, iyagoo ku hurushoobay Dabka ka kacay Gurigooda.

Dabkan ayaa noqonaya kii labaad ee Muddo Toddobaad Gudaheed ah Carruur ku dhimato, waxaana kan ka sii horreeyay Dab ka dhashay Shoodh Laydh, kaasi oo ay ku dhinteen Afar Carruur ah oo Saddex Walaalo ahaayeen, midna ay Ilmaadeer ahaayeen.

Alle Cawad khayr qaba ha ugu beddelo Waalidka Carruurtaa dhalay ee Masiibadu ku dhacday.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: