Dayaxa Oo Caawa Madoobaaday Iyo Dadweynaha Oo Masaajiddada Buuxiyey

Hargeysa (Dhamays) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo inta badan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ayaa Caawa laga Arkay Dayax Madoobaad.

Dayax-madoobaadkan oo bilaabay wixii ka dambeeyay Salaaddii Cishaa’iga, ayaa markii lagu baraarugay waxay Culimadu Masaajiddada ka oogeen Salaadda la tukado marka Dayaxa ama Qoraxdu madoobaato ee loo yaqaanno “Salaatu Kusuuf”

Dadweynaha ayaa badankoodu galay Masaajiddada si ay u tukaadaan Salaatul Kusuuf oo Nebiyullaah Muxamed (CSW) amray in Dadku tukadaan marka Dayaxa iyo Qoraxdo Madoobaadaan, si Alle (SW) looga baryo inuu Dayaxa sidiisii ku soo celiyo.

Dayaxa iyo Qoraxda Madoobaata ayaa muujinaysa Awoodda ILAAHAY SW, iyadoo ay mudan tahay in lagu Cibro-qaato oo ILAAHAY loo noqdo.

Dayax-madoobaadkan oo ku soo beegmay 16-ka Bisha Dul-qacda, ee Sannadka 1439-ka, ayaa laga arkay inta badan Qaaradaha Adduunka, sida Afrika, Aasiya iyo meelo kale oo badan sida ay ku warrameen Warbaahinta Caalamiga ahi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: