Dayax-madoobaad La Saadaaliyey Inuu Berri Dhacayo Iyo Meelaha Laga Arki Doono

USA (Dhamays) – Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”.

Dayax-madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qaybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika.

Waa maxay dayax madoobaad?

Dayax madoobaad wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaadho dayaxa.

Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska ama Hadhka dhulka.

Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yidhaahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka Cas ee uu yeelanayo dayaxa.

Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaadhada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg ka Liinta ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa.

Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, iyadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo.

Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 January iyadoo marka hore qayb ka mid ah dayaxa madoobaan doono.

Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qaybo ka mid ah Galbeedka Afrika.

Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka.

Ma dhibaato ayay leedahay in la eego dayax madoobaadka?

Eegidda dayax-madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malaha, balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka.

Maxuu faa’iido u leedahay Dayax Madoobaadkan?

Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbixiyeennada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaadho sanadka 2029-ka.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: