Dawladda Sucuudiga Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xajka Sanadkan

Riyaadh (Dhamays) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Shalay shaacisay in Xajka sanadkan loo ogolaan doono oo kaliya dadka muwaadiniinta ah ee ku nool gudaha waddanka Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay tiro ahaan in 60,000 kun oo Xujaay ah loo ogolaan doono inay sanadkan gutaan waajibaadka Xajka, taasi oo caddayneysa ineysan jirin sanadkan Xujaay kale oo tagaya Caalamka intiisa kale si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Wasaaradda Xajka iyo Cumarada ayaa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in sababta loogu xadiday 60, kun oo muwaadin oo ah Sacuudiyaan ama dadka heysta Iqaanada dalkaasi iney tahay halista wali uu dunida ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxaa sidoo kale bayaanka wasaaradda lagu sheegay in dadka loo ogolaan doono gudashada Xajka sanadkaan aay da’doodu u dhaxeyn doonto 18 jir ilaa 65 sano jir, islamarkaana aay waajib ku tahay iney si buuxda u qaataan talaalka looga hortago cudurka halista badan ee COVID 19.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal