Dawladda Sucuudiga Oo Hakad Galisay Xoolihii Soomaalida Ee Loo Dhoofin Jiray Waddankaasi

geel-iyo-adhiJeddah (DMG) – Dawladda Sucuudiga ayaa si ku meel-gaadh ah u hakiyey Xoolihii looga soo dhoofin jiray Dalka Soomaaliya oo ay Somaliland-na qayb ka tahay.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, taasi oo la gaadhsiiyey Maxjarrada Xoolaha Soomaalida Caafimaadkooda lagu hubiyo ee ku yaalla Magaalooyinka ay ka mid yihiin Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo kuwo kale.

Warqadda Sucuudiga ka soo baxday ee sheegaysa in si ku meel-gaadh ah loo joojiyey Xoolihii Dhulka Soomaalida looga qaadi jiray, ayaa lagu sheegay in Sababta loo hakiyey tahay dhinaca Caafimaadka Xoolaha, wallow aan la caddeynin Xanuunka lagu arkay Xoolaha.

Sidoo kale, Warqaddan ayaan lagu caddeynin wakhtiga Hakinta Xoolihii Sucuudiga loo dhoofin jiray soconayso.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysi VOA la yeelatay Nuux Daahir Camuud oo ah Ganacsade ku sugan Jeddah isla-markaana Warqadda  Lagu hakiyey Xoolaha Soomaalida ka soo qaaday Wasaaradda Beeraha Sucuudiga.

%d bloggers like this: