Dawladda Soomaaliya Oo Xafiis Bixiya Waraaqaha Xajka ka Furatay Magaalada Hargeysa

Hargaysa(Dhamays) – Iyadoo Todobaadyadii ugu Dambeeyay uu Muran Xoogani ka Taagnaa Xujaajta Somaliland, ee Sannadkan Tagaysa Xajka ka dib markii Xukuumada Somalia ee Fadhigeedu yahay Muqdisho ay Soo saartay Go,aan Xujajtu Ku Qaadaneyaan Baasaaboorka Somalia balse Somaliland ayaa ka Muujisay Diidmo Siyaasadeed.

Hadaba Laanta Socdaalka Ee Ciidamada Somalia Taliyaheeda ayaa Furtay Xafiis lagu Bixiyo Baasaaboorka Somalia ee la siinaayo Xujaajta Sannadkan tagayaa Xajka isagoo Taliyaha Socdaalku uu soo Magacaabay Masuul ka tirsan Xukuumada Somalia kaas oo si Toosa ay Xukuumada Muqdisho u soo Magacawday Xafiiska Magaalada Hargaysa ee lagu Bixinaayo Baasaaboorka Somalia.

Xildhiban  Siciid Warsame Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta Soo Baandhigay Xafiiskaasi iyo Dhukumatariyadii waraaqah ahaa soo magacaabista Masulkan isago Xildhibaanku sheegay in Amaanka Xafiiskaasi ay Ilaalinaayaan Ciidamada Booliska Somaliland, taas macnaheeduna yahay in Xukuumada Somaliland, raali ka tahay .

Halkan Ka Daawo warkaasi.

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: