Addis Ababa (Dhamays) – Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.
Agaasimaha xafiiska ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Fistum Arega ayaa Twitterka ku qoray “Xoriyadda xogta ayaa aas aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo masuuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga sal-gaadhaa..”
Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh uu dalka ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.
In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xidheen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.
Dhamaysnews.com/Hargeisa Office