Dalalka Iiraan iyo Pakistaan ayaa sameynayaa ciidammo isku dhaf ah oo ka hortagga weerarada argagixisada ee ka dhaca xadka labada dal.

 

Tallaabadan waxaa shaaca ka qaaday madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani xilli uu shir jaraa’id ku qabanayay aqalka madaxtooyada dalkaasi xilli ra’iisul wasaaraha Pakistaan, Cirmaan Khaan uu booqasho ku joogo dalka Iiraan.

Madaxweyne Ruuxaani wuxuu ka codsaday Pakistaan inay tallaabo ka qaaddo waxa uu ugu yeeray ‘argagixisada kasoo jeedda Iiraan’.

Waxaa jiray weeraro dhowr ah oo is xig xigay oo bilooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay deeganno ku yaalla xadka Pakistaan iyo Iiraan.

14 kamid ah ciidammada Pakistaan ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku dhintay weerar ay kusoo qaadeen dabley hubeysan.

Xukuumadda Islamabad waxay sheegtay in maleeshiyaadka weerar qaaday ay kasoo jeedaan dhinaca Iiraan.

Weerarkan ayaa imaanaya labo un ka hor markii weerar lagu dilay 27 kamid ah ciidammada Iiraan balse Iiraan waxay sheegtay inuu ka dambeeyay qof isa soo miidaamiyay oo u dhashay Pakistaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: