Dad Rayid Ah Oo Lagu Laayay Shabeeladda Hoose.

Wararka ka imaanaya degmadda Qoryooley ee gobolka Shabeeladda hoose ee Maamulka Koofur Galbeed ee Soomalya, ayaa sheegaya in lix qof oo shacab la dilay ka dib markii gaadhigii ay wateen  lagu dhuftay Gantaanka Loo-yaqaan baasukuaha.

 

Dadkan la laayay oo isugu jiray Dumar Iyo Rag, ayaa la sheegayaa inay ahaayeen  ganacsato ku sii jeeday magaaladda Baydhabo, isla markaana ka ambabaxay degmadda Qoryoolay, waxaana marka la weeraray, ay marayeen  duleedka Magaaladda

 

Wararku waxay intaas ku daryaan in dadka dhintay oo isugu jiray haween iyo rag ay ka ganacsan jireen qudaarta, kuwasoo u kala gudbin jiray magaalooyinka Baydhabo iyo Qoryeelay iyo degmooyin kale ee koonfurta, waxayna dadka degaanka oo warbaahinta qaarkood la hadlay ay sheegeen in halka uu dilku ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka koofur galbeed iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo la xirira  dilka dadkan shacabka ah.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: