Daawo: Wasiirka Beeraha Oo Ka Jawaabay Hadallo Guddoomiyaha WADDANI Kaga Hadlay Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Ee Reer Awdal

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasi oo uu kaga hadlay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay u joojinayn Shacabka reer Awdal.

Wasiir Seed oo Xafiiskiisa Shir-jaraa’id ku qabtay Maanta ayaa yidhi “Cabdiraxmaan 12 Sanadood ayuu Golaha Wakiillada joogay oo uu Guddoomiye ka ahaa, 12-ka sanadood wuxuu Gacantiisa ku qoray 138 Shaqaale ah oo ka hawl-gala Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, 138-kaa waxa Awdal kaga jiray 6 xubnood..”

Wasiirka Beeraha JSL, Axmed Muumin Seed

Wasiir Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Inta Cabdiraxmaan uu Guddoomiyaha ka yahay Xisbiga WADDANI wuxuu Magacaabay 120 Xubnood oo Hoggaanka iyo Guddiga fulinta ah ee Xisbiga ah oo Xogheyayaasha Xisbigu ka mid yihiin, Awdal waxay ku lahaayeen Lix Xubnood.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maalintii laga hadlayey Saamiga Gobolka Awdal ee 12-ka Xildhibaan dibedda u baxeena waxa lagu yidhi Xildhibaannadii reer Awdal dibedda ayay ku maqan yihiin, wuxuu yidhi la isku joojin maayo oo Shirku wuu soconayaa ayuu yidhi, markaa isagoo intaas oo dhan soo maray inuu Shalay Fagaaraha ka yidhaahdo Reer Awdal looma joojinayo ayaa la yidhi, Runtii waxay meel ka dhac ku tahay Gobolka Awdal iyo Shacab-weynaha reer Somaliland ee maqlaya.”

Wasiirka Beeruhu waxa kale oo uu sheegay “Cabdiraxmaan-Cirro waxaan leeyahay waxa Talo kaaga baahan Xisbiga Waddani ee aad Guddoomiyaha ka tahay..” ayuu yidhi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: