Daawo: Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb-galay Aas-qaran Loo Sameeyey Marxuum Ganacsade Ibraahim Nabaadiid

Hargeysa (Maalmaha)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Ganacsade Ibraahim Maxamed Xasan (Nabaadiid) oo in muddo ah u xanuunanaayay.

 

Aaskan qaran ee loo sameeyey Marxuum Ibraahim Nabaadiid, ayaa waxa kale oo ka soo qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibbaano, ganacsato, aqoonyahan, wax-garad, madax-dhaqameed, ehelkii, qaraabaddii, asxaab iyo weli ba dadweyne aad u tira badan.

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u diraayo ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu Eebe uga rajeeyey in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu janatul Fardowsa ka waraabiyo.

 

“INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN, waxa aynu u joognaa oo tacsiyadeynaynaa geeridii ku timi Ibraahim Nabaadiid oo ahaa nin weyn oo reer Somaliland ahaa, waxa aynu Ilaaahay uga baryeynaa in uu u naxariisto, Illaahay ha u naxariisto, Ilaahay dambi dhaaf ha siiyo, Ilaahay na dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Waxa aan si gaara u sii tacsiyadeynayaa caruurtiisii iyo qoysaskiisii iyo weli ba guud ahaan shacabka Somaliland.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Faah-faahinta halkan Hoose ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: