DAAWO: Khasaare Ka Dhashay Roob Dabaylo Watay Oo Ka Da’ay Degmada Sallaxley

Sallaxley (Dhamays) – Inta la ogyahay Hal Qof baa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi-jeex, ka dib markii uu ka Da’ay Roob dabaylo watay.

Roobkan oo muddo da’ayey isla-markaana watay Dabayl xoog leh, ayaa dumiyey dhismayaal badan, taana waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba iskugu jirta oo soo gaadhay Dadkii halkaa ku dhaqan.

Ka dib, roobka halkaa ka da’ay waxa gurmad ugu baxay Degmada Sallaxley Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, si ay u soo qiimeeyaan khasaaruhu inta uu leegyahay.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: