DAAWO: Hawl-gal Dawladda Hoose Ee Hargeysa Waddooyin Ku Bannaysay Maanta

Hargeysa (Dhamays) – Dawladda hoose ee Hargeysa oo kaashanaysa Ciidammada Booliiska, ayaa Maanta Hawl-gallo Waddo-banneyn ah ka fulisay meelo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Dawladda Hoose ayaa Waddooyinka ay bannaysay ayaa waxa ka mid ah Waddada Suuqa loo yaqaanno Caanaha Riyaha ee Degmada Gacan Libaax ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo beryihii u dambeeyay noqotay Istaan laga raaco Basaska yaryar oo loo yaqaanno BAS CAASIGA, ee u baxa Xaafadda Sheekh Nuur (Kililka) ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Dawladda Hoose ayaa Suuqa Caanaha-Riyaha ka kaxaysay Basaskii ay Istaanka u ahayd ee ka qaadi jiray Dadka deggan Xaafadda Sheekh Nuur ama Kililka ee Magaalada Hargeysa, waxaana gaadiidka Dawladda hoose ee kala ah Cagafyada waaweyn iyo Iska Rogooyinku halkaa ka qaadeen Qashin badan oo Basasku qarin jireen, maaddaama oo ay Saacado badan taagnaan jireen, isla-markaana Xilligan meel kale oo looga raray.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: