DAAWO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xoojinaya Kaalintiisii Mucaaradnimo

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa aad u dhaliilay hadal uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Shalay kaga hadlay Mowqifka uu Xisbiga WADDANI ka taagan yahay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii hore ka dhacday Dalka.

Madaxweyne Biixi oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha WADDANI aanu u hannaynin guushii uu ka gaadhay Doorashada ee Madaxweynenimada loogu doortay, sidaa darteed Guddoomiyaha WADDANI looga baahan yahay in haddii aanu ku qancin natiijada doorashada uu Dacwad geeyo Maxkamadda sare ee Somaliland, balse Guddoomiyaha UCID oo Maanta Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hadalkaa Madaxweynuhu yahay nasiib-darro, maaddaama ay khalad tahay inuu ka hadlo Doorashadii la soo dhaafay, isagoo Xilka Madaxweynenimo haya muddo 9 bilood ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu diyaar u ahayn inuu xalliyo khilaafaadka siyaasiga ah ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan hoose ka Daawo

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: