DAAWO: CIRRO Oo Sii Xoojiyey Murankii Ka Taagnaa Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Goor-dhawayd Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay Aqbalayn Natiijada Doorasho aan Xalaal ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu sheegay in Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay ku lamaanaayeen Khaladaad uu sheegay inay ka mid ahaayeen inay codeeyeen Carruur aan Qaan-gaadhin iyo in lagu codeeyay Kaadhadh Dadkii lahaa wakhti hore Geeriyoodeen, sidaa darteed aanay aqbali doonin Xaq-daro iyo wax Sharciga baal-marsan.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: