Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal Oo Ay Ka Furteen Kuwa Puntland

Tukaraq (Dhamays) – Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa soo bandhigay Gaadiid ay ka furteen Ciidammada Puntland oo Shalay ku soo qaaday Dagaal.

Taliyaha Ciidammada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka gaashaandhigga oo jiidda hore ku sugan ayaa deegaan 7KM dhanka Garoowe ka xigta Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool ku soo bandhigay illaa 7 Gaadiidka Dagaalka ah oo Ciidammadu ka furteen kuwa Puntland.

Taliyaha Ciidammada Qaranka, Wasiirka gaashaandhigga ayaa Gaadiidkan u soo bandhigay Wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kuwaasi oo halkaa u tagay inay Ciidammada Qaranka dhiirigeliyaan.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: