WARAR

Waxyaabaha ay ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiir ka Socday Dowladda Ingiriisku

Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador David Concar, ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland iyo mashaariicda dhinaca horumarka ah ee ka socda dalka. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay, kaasoo u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ...

Read More »

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland oo Shaaciyey in 70% ay Hay’adda Dowladdu Isticmaalaan Astaan Khaldan

Somaliland

Hargeysa (Dhamays News) – Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, aya shaaciyey in hay’adaha dowladdu ay 70% isticmaalaan, isla markaana dhukumantiyada dowliga ah lagu ladho astaan khalad ah oo loo ekaysiiyey Astaanta Qaranka Somaliland. Sida ku cad qodobka 7-aad ee dastuurka Somaliland, farqaddiisa 2-aad, astaanta qaranka Somaliland waa Galaydh Bunni ah ...

Read More »

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Digniin u Diray Masuuliyiinta Gacanta ku Haya Hantida Qaranka

Hargeysa (Dhamays News) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa u digay masuuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee gacanta ku haya maamulka hantida qaranku wada leeyahay. Hanti-dhawre Axmed Yuusuf Dirir oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa kaloo uu caddeeyey in la abaalmarin doono madaxda sida ugu fiican u maamula, isla markaana u si ...

Read More »

Dhakhaatiir Ingiriis Ah Oo Xarunta SAHAN Hawlo Samo-fal Ka fuliyey, Tababbarna Siiyey Ardayda Caafimaadka Ee Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Dhakhaatiir ku takhasustay Cilmiga Caafimaadka Xanuunnada Dhimirka ku dhaca oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa adeegyo Caafimaad ka fuliyey Xarunta Dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa. Dhakhaatiirtan oo ka socda Cisbitaalka Kings College oo ku yaalla Dalka Ingiriiska, ayaa Xarunta SAHAN oo ay ku jiraan Dad badan oo qaba xanuunnada dhimirka ayaa waxay dhakhaatiirta Ingiriiska ka socdaa ...

Read More »

Qormo Kooban: Akhrista iyo Faa’iidooyinka ku Jira

Ibrahim Eid Dad-Dhis

Qof kasta oo caqli u saaxiib ah, waxa aan ka qarsoonayn in akhrisku uu yahay shay daruuri u ah nolosha qofka bani’aadamka, sida hawada, biyaha iyo cuntaduba ay daruuri ugu yihiin. Diinteena Islaamka ee suubani, waxay aad innoogu dhiirigalisay akhriska iyo faa’iidooyinka ballaadhan ee ku jira. Taas waxaa markhaati cad u ah in kelmeddii ugu horeysay ee uu ku bilaabmo ...

Read More »

Wakiilka Somaliland u Fadhiya Magaalada Nairobi oo ka Xog-waramay Shirar uu ku Yeeshay Xarunta Baarlamaanka Kenya

Baashe Cawil Cumar

Nairobi (Jam)- Wakiilka dalka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi, ayaa ka xog-waramay ujeedooyinka shirar uu ku qaatay xarunta Baarmalaanka Kenya labadii maalmood ee u dambeeyey. Warsaxaafadeed uu Ambassador Baashe Cawil Cumar soo saaray shalay, ayuu ku sheegay inay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Kenya, halka sidoo kale la isla soo qaaday in xidhiidh-wadashaqayneed dhexmaro ...

Read More »

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo sheegay in la dhisayo Guddi qiimayn iyo abaalmarin ku sameeya shaqaalaha hay’adaha dowladda

Abaal Marin

Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in hadda la samayn doono guddi ka shaqaysa dhiirigelinta iyo abaalmarinta shaqaalaha dowladda ee mutaysta shaqo-wanaagga, iyadoo aanay guddidaasi jirin muddada 28-ka sanno ah ee uu dalka Somaliland ka madaxbannaanaa Soomaaliya. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ...

Read More »

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Ayaan-darro iyo Habaar ku Tilmaantay Hadallo Laga Faafiyey Xaaladda Caafimaad ee Wasiirkooda

Wasiirka Hawlaha Guud

Hargeysa (Dhamays News) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wax lala yaabo oo ayaan-darro ah ku tilmaantay warar uu xisbiga WADDANI iyo qaar ka mid ah saxaafaddu ka faafiyeen xaaladda caafimaad ee Wasiirkooda Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Hadalka ka soo baxay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud shalay, waxa uu ka dambeeyey markii ay ...

Read More »

Somaliland: Wasiir Cabdillaahi Abokor oo Qiray inay ka Gaabiyeen Dayac-tirka Biriijka Isku Xidha Berbera iyo Burco

Biriijka Isku Xidha Berbera iyo Burco

Hargeysa (Dhamays News) – Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa caddeeyey in la dhisi doono biriijka weyn ee ku yaal jidka u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, kaasoo dhaawac soo gaadhay uu sababay khasaare isugu jira naf iyo maal. Biriijkan khasaaruhu gaadhay oo ah biriijka ugu dheer dalka Somaliland, isla markaana muhiim ...

Read More »

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Nairobi (Dhamays News) – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo ka mid yahay xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageerada ugu weyn ka gaysta horumarka dalka Somaliland.Sidaana waxa sheegay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, kadib markii uu kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ...

Read More »