WARAR

Tantanka Kubbadda Cagta Adduunka ee Dalalka aan la Aqoonsan oo la Go’aamiyey in Lagu Qabto Waddanka Somaliland

kubbadda cagta 1

Hargeysa (Dhamays News) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdikariin Xuseen Siciid, ayaa caddeeyey in koobka kubbadda cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan lagu qaban doono waddanka Somaliland sannadka 2020-ka, haddii Ilaahay yidhaahdo. Tartanka Kubbadda Cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan oo la qabto afartii sanno hal mar, waxa qabanqaabiya Ururka Kubbadda Cagta ...

Read More »

Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka Hadlay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Fasaxyada Xiliga Salaadaha

Cawaale Ibraahim Shirwac

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac Hargeysa (Dhmays News) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dalka joogaa ay shaqaalahooda u ogolaadaan fasaxyada ku beegan saacadaha salaadaha ama cibaadooyinka kale ee diiniga ah. Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac oo ...

Read More »

Madaxweyne ku xigeenka oo Sheegay in Dowladda Itoobiya ay Safiir Waayo-arag ah u sii Magacawday Somaliland

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay safiir waayo-arag ah u soo magacaabeen dalka Somaliland.Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasibad qado-sharaf ah oo Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Qunsulka Guud ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland shalay, waxa uu tilmaamay in safiirkan cusub yahay masuulkii ugu waayo-aragsanaa, uguna miisaan ...

Read More »

Somaliland: Waxyaabaha Sababta u ah Khiyaamooyinka Dhexmara Bulshada Macaamilka Ganacsi ka Dhexeeyo

Aadan Xaaji Cali Axmed

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed Hargeysa (Dhamay News) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shaaciyey in ay aad u sii kordhayaan khiyaamooyinka kala duwan ee ka dhex dhaca bulshada macaamilka ganacsi ka dhexeeyo. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in khiyaamooyinka ka dhex dhaca bulshadu ay ...

Read More »

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Daah-furtay Bilawga Diiwaangelinta Maddarasadaha Lagu Barto Qur’aanka

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Hargeysa (Dhamays News) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay Daah-furtay bilawga diiwaangelinta iyo manhaj u samaynta Maddarasadaha Qur’aanka lagu dhigo ee dalka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo wejiga koowaad laga bilaabayo. Munaasibadda lagu shaaciyey diiwaangelintan oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ...

Read More »

Somaliland: Hay’adda Dhawrista Tayada oo Amartay in la Xidho Xarunta Dawooyinka Dabiiciga ah ee Al-huda Herbal Medicine

Hay’adda Dhawrista Tayada

Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Dhawrista Tayada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan albaabada loogu xidhayo Xarunta Al-huda Herbal Medicine, kadib markii baadhitaan la sameeyey lagu ogaaday in xuntaasi dalka keentay galalka Kaabsoolka oo madhan (Empty Capsules). Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf toddobaadkii hore, balse si ...

Read More »

Dowladda Somaliland oo Warqad Ashkato ah u Gudbisay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay

Dowladda Somaliland

Hargeysa (Dhamays News) – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay u gudbisay ashkato iyo dacwad buuxda oo ka dhan ah gaadiidka millatari ee uu dalka Qatar ku caawiyey Dowladda aan Iskeed Isku maamulin ee Soomaaliya taariikhdu markii ay ahayd 17 January 2019-ka, gaadiidkaas oo tiradiisu dhan tahay 68 baabuurta qufulan ee dagaalka ah. Warqadda dacwadda ah oo ...

Read More »

Daawo: Wasiirka Beeraha Oo Ka Jawaabay Hadallo Guddoomiyaha WADDANI Kaga Hadlay Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Ee Reer Awdal

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasi oo uu kaga hadlay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay u joojinayn Shacabka reer Awdal. Wasiir Seed oo Xafiiskiisa Shir-jaraa’id ku qabtay Maanta ayaa yidhi “Cabdiraxmaan 12 Sanadood ayuu Golaha ...

Read More »

Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ku Dhintay Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Liibiya (Dhamays) –  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in 270 muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaadhay goobta ay masiibaddu ka dhacday ee biyaha Liibiya. Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaraddaasi goobta soo gaadhay. Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ...

Read More »