WARAR

Wakiilka Somaliland u Fadhiya Magaalada Nairobi oo ka Xog-waramay Shirar uu ku Yeeshay Xarunta Baarlamaanka Kenya

Baashe Cawil Cumar

Nairobi (Jam)- Wakiilka dalka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi, ayaa ka xog-waramay ujeedooyinka shirar uu ku qaatay xarunta Baarmalaanka Kenya labadii maalmood ee u dambeeyey. Warsaxaafadeed uu Ambassador Baashe Cawil Cumar soo saaray shalay, ayuu ku sheegay inay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Kenya, halka sidoo kale la isla soo qaaday in xidhiidh-wadashaqayneed dhexmaro ...

Read More »

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo sheegay in la dhisayo Guddi qiimayn iyo abaalmarin ku sameeya shaqaalaha hay’adaha dowladda

Abaal Marin

Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in hadda la samayn doono guddi ka shaqaysa dhiirigelinta iyo abaalmarinta shaqaalaha dowladda ee mutaysta shaqo-wanaagga, iyadoo aanay guddidaasi jirin muddada 28-ka sanno ah ee uu dalka Somaliland ka madaxbannaanaa Soomaaliya. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ...

Read More »

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Ayaan-darro iyo Habaar ku Tilmaantay Hadallo Laga Faafiyey Xaaladda Caafimaad ee Wasiirkooda

Wasiirka Hawlaha Guud

Hargeysa (Dhamays News) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wax lala yaabo oo ayaan-darro ah ku tilmaantay warar uu xisbiga WADDANI iyo qaar ka mid ah saxaafaddu ka faafiyeen xaaladda caafimaad ee Wasiirkooda Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Hadalka ka soo baxay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud shalay, waxa uu ka dambeeyey markii ay ...

Read More »

Somaliland: Wasiir Cabdillaahi Abokor oo Qiray inay ka Gaabiyeen Dayac-tirka Biriijka Isku Xidha Berbera iyo Burco

Biriijka Isku Xidha Berbera iyo Burco

Hargeysa (Dhamays News) – Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa caddeeyey in la dhisi doono biriijka weyn ee ku yaal jidka u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, kaasoo dhaawac soo gaadhay uu sababay khasaare isugu jira naf iyo maal. Biriijkan khasaaruhu gaadhay oo ah biriijka ugu dheer dalka Somaliland, isla markaana muhiim ...

Read More »

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Nairobi (Dhamays News) – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo ka mid yahay xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageerada ugu weyn ka gaysta horumarka dalka Somaliland.Sidaana waxa sheegay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, kadib markii uu kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ...

Read More »

Tabobar loo Furay Shaqaale Cusub oo ka soo Gudbay Imtixaankii Laga Qaaday Gobollada Sanaag iyo Saaxil

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland

Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa tababar indho-fur ah (induction training) u qabatay shaqaalaha cusub ee ku soo baxay imtixaankii laga qaaday degaannada Gobollada Sanaag iyo Saaxil bishii December ee sannadkii 2018-ka, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 100 qof oo ay gobol walba ka soo baxeen 50 shaqaale cusub ah.Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) ...

Read More »

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay xaaladihii uu dhaxlay markii uu la wareegay xilka

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa (Dhamays News) – Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Abiey Ahmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirweynaha ganacsiga Adduunka ee lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland, lana soo gabagabeeyey Jimcihii toddobaadkan, kaasoo socday (22 ilaa 25 January 2019), ayaa caddeeyey inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa in la isku furo dalalka Geeska Afrika, isla markaana ...

Read More »

Tantanka Kubbadda Cagta Adduunka ee Dalalka aan la Aqoonsan oo la Go’aamiyey in Lagu Qabto Waddanka Somaliland

kubbadda cagta 1

Hargeysa (Dhamays News) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdikariin Xuseen Siciid, ayaa caddeeyey in koobka kubbadda cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan lagu qaban doono waddanka Somaliland sannadka 2020-ka, haddii Ilaahay yidhaahdo. Tartanka Kubbadda Cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan oo la qabto afartii sanno hal mar, waxa qabanqaabiya Ururka Kubbadda Cagta ...

Read More »

Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka Hadlay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Fasaxyada Xiliga Salaadaha

Cawaale Ibraahim Shirwac

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac Hargeysa (Dhmays News) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dalka joogaa ay shaqaalahooda u ogolaadaan fasaxyada ku beegan saacadaha salaadaha ama cibaadooyinka kale ee diiniga ah. Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac oo ...

Read More »

Madaxweyne ku xigeenka oo Sheegay in Dowladda Itoobiya ay Safiir Waayo-arag ah u sii Magacawday Somaliland

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay safiir waayo-arag ah u soo magacaabeen dalka Somaliland.Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasibad qado-sharaf ah oo Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Qunsulka Guud ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland shalay, waxa uu tilmaamay in safiirkan cusub yahay masuulkii ugu waayo-aragsanaa, uguna miisaan ...

Read More »