MAQAALO

Somaliland Waxay Leedahay Ciidan Qaran Oo Leh Awood, Taliye Hoggaamin iyo Hoodo dagaal leh !!

Madaxweynaha Muqdisho Mr. Armaajo waxaanu leeyahay fiiri: Somaliland waxay leedahay Ciidan Qaran oo leh Awood, Taliye Hoggaamin iyo hoodo-dagaal leh, Madaxweyne Halgamaa ah oo horena kuu jabiyey, Shacab heegan ah oo Hareerro tuban Ciidankooda. Sidaasi awgeed waxaan Madaxweynaha Muqdisho oranahayaa Mr. Armaajo fidmada iyo dagaalka aad gelinayso Shacabka Puntland adigaa Dambarsan doona, adigaa dhandhami doona dhiigga aad horseedka ka tahay, ...

Read More »

Hello Madaxweyne: Noo Damaanad-qaad Daacadnimada Golahaaga Fulinta? Q2aad

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ilaa hada talaabooyinka uu ku talaabsaday iyo odhaahyadiisii hore ee wakhtigii ololaha adag uu ku jiray intuba waxay tusaale u yihiin in uu diyaar u yahay sidii uu dalkan uu madaxweynaha ka noqoday uu u gaadhsiin lahaa iskufilnaansho iyo horumar aanu hore u gaadhin gaar ahaan dhinacyada Cadaaladda iyo maamul wanaaga, intaasi waa daacadnimadda keliya ee ...

Read More »

Hoggaan Daacad Ah Iyo Caqli Wanaagsan-baa Hodan Lagu Noqdaa !! W/Q: C/raxmaan Cadami

Dalalka dunida saddexaad qaarkood waxa laga helaa khayraad dabiici ah oo faro badan sida: Shidaalka, noocyo macdanaha ka mid ah, dhul beeraha hodan ku ah, xeebo dhaadheer iyo wabiyo aan gudhin; kuwo kalena ma laha khayraad lagu tilmaami karo, islamarkaana masaaxad ahaan waxay aad uga yar yihiin Somaliland, hase ahaatee waxay ka horumarsan yihiin dawlado waaweyn oo khayraadka dabiiciga ah ...

Read More »

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Xukuumadda: Kaalintiisa Iyo Sharcinimadiisa ! W/Q: Good Lowyer

Dhowaan wuxuu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliland soo saaray Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018). Ujeeddada uu Madaxweynahu Xeer-nidaamiyahan u soo saaray waxaa lagu sheegay arrimaha ay kamid yihiin ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha. ...

Read More »

Madaxweyne, Adigoo Xaqiijinaya Danta Dadka Iyo Dalka Waxaan Ku Soo Jeedinayaa Inaad Wax Ka Qabato Shantan Qodob !!

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  marka hore waxaan leeyahay Allaah ha kula qabto xilka ummadu kuu dooratay ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland, mar labaadka Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa talo-gudbin Muwaadin-nimo oo xambaarsan toosinta adeegyada Xukuumadda uga masuulka tahay shacabka iyo talo-gudbin Badhasaabyada dalka si ay horumar maamul ku samayn karaan iyo qodobbo ka mid ah adeegyada shacabka oo ...

Read More »

Madaxweyne; Kala Horumarinta Hawlaha Qaranku waa Halbeega Hoggaamintaada !

Haddii uu la kulmi lahaa madaxweyne Muuse Biixi ama uu si uun talo loo weydiin lahaa, kalamuu hadleen qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland. Sidoo kale lama uu soo qaadeen saldhiga millatari ee Imaaraadka iyo sidii loo maamulay xaqul-qalinkii heshiiskaas. Sidaas si la mid ah madaxweynaha wakhti kagamuu qaadeen maamulka hawadda ee toddobaadkii hore ay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya la wareegtay. ...

Read More »

Odoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2018-ka (Q/1-aad)

Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan ...

Read More »

Hambayo: Samatar Iyo Raxma Oo Meherkoodu Ka Dhacay Hargeysa

Cabdiqaadir Aadan Carab, Axmed Rashiid Cabdi (Akram), Madar Cabdi Axmed, Cabdillaahi Maxamed Axmed (Calan-cas), Mowliid Aadan Cumar, Axmed Cumar Caddaani (Axmed-Shaafi), Eng. Cabdirisaaq Muxumed Qalinle (Itaqile), Siciid Maxamed Askar, Eng. Axmed Maxamed Cabdillaahi (Barre), Sacad Cabdiraxmaan Xasan, Cabdirashiid Cabdillaahi Aw Cabdi, Siciid Sheekh Maxamuud Daahir, Dr. Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan (San-weyne), Cabdi Abokor, Cabdiraxmaan Maxamed Aw Muuse, Sucuud Cabdi Faarax, Eng. ...

Read More »

SHEEKO: Doonista Alle Ayaan Dunida Ku Imid !!

Qaaradda afrika inaan ku dhashana waxay aheed nasiib kale! Balse inaan soomaali ka dhasho kuna dhasho dhulkii udgoonka waxay aheed hadiyad qaaliya oo ilaahay iigu deeqay.! Ma garanayo dalkeyga bedkiisa mana garanayo tirada dadkeyga mana garanayo somali qofkan ka ahay. Waxay dhahaan dadkeeygu waxaad tahay ubaxii dalka iyo mustabalkii berrito, waxaad tahay rajadii iyo riyadii la sugayay ee soomaaliyada cusub. ...

Read More »

Sheeko: Boqorkii Iyo Sawirkii Farshaxanka Ahaa !!

Nin kaluumeysato ah Ayaa Maalin Maalmaha Ka Mida Soo Maray Qasrigii Ku Yaal Tuulada Isaga oo Sita Kaluun Weyn oo uu Soo Dabtay , Wuxuu u Soo Bandhigay Boqorkii Tuuladaas Boqorkiina aad ayay u cajabiyay Kaluunkaa Hilibka Badan leh Waxaanu Amar Ku bixiyay in ninkaas La Siiyo Afar Kun oo Dirham (4000 Dirham). Waxa Ka cadhootay amarkaa boqorka Gabadhiisii oo ...

Read More »