“Caga Jugleen Cidna Waxba Lagaga Qaadi Maayo , Doorasho Dalka Laga Qabanayaana Ma Jirto” Ibraahim Dhegaweyne + Muuqaal

dhegaweyneBurco (DMG)- Ibrahim-Dhagaweyne oo ka mid ah ah Halgamayaashii Ururkii SNM ayaa waxaa uu sheegay in cidna aan cago jugleen waxba lagaga qaadi karin isla markaana rabitaanka dalkana cid is hor taageysaa aanay jirin.

Sidoo kale Muj Dhego weyne waxaa uu sheegay in wax doorasho ah oo a xukuumadu ugu talo gashay in dalka ay ka qabataa aanay jirin .

” Waxaan leeyahay cago jugleen cidna waxba lagaga qaadi maayo , weynu is garaneynaa ee waa kuma ninka nin u cago jugleynayaa ,xaalada dalka maanta ka jirtaa waa mid culus , wax doorasho ah oo jirtaana ma jirto 2 bilood baa ka hadhay wax loo diyaariyey ma jirto , dawladana laba bilood baa u hadhey ” ayuu yidhi Muj Ibraahim Dhego Weyne

Sidoo kale Muj. Ibraahim dhego waxaa uu sheegay in dalka meeshii laga dhisay ay tahay Burco isla markaana maanta na laga bad baadin doono Burco waxaana uu yidhi

“Dalkani ama waa uu bur buri doona ama burco ayaa laga bad baadin doona oo aynu ka bad baadin doona ” ayuu yidhi, Faah-faahinta Warkaasi Halkan Hoose Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: