Cabdi Illey Oo Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Ka Codsaday In La Cafiyo

Addis Ababa (Dhamays) -Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii saddexaad la horkeenay Jimcihii Maanta.

Muddo 42 maalmood ah ayey xidhnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Hore waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xidhan ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan. Hore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaaddaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yidhi xaakimku, sida ay Maanta sheegtay Idaacadda BBC-du.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xidhan laga gaadhsiiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro, isaguna uu muddo dheer u shaqaynayey Dalka Itoobiya, gaar ahaan Kililka Soomaalida.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: