BERBERA: Wiil Dhallinyaro Oo Geeriyooday Markii Baddu Liqday Maanta

Berbera (Dhamays) – Allaah ha u naxariistee waxa Badda Berbera ku Geeriyooday Wiil dhallinyaro ah gelinkii dambe ee Jimcaha Maanta.

Wiilkan oo Allaah u naxariistee Magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cawil Yuusuf oo ka mid ahaa Dhallinyaro badan oo ka soo safray magaalada Burco si ay badda ugu dabaashan, ayaa Galabta ku dhintay Xeebta batalaale, kadib markii ay baddu liqday Gelinkii dambe ee Jimcaha Maanta.

Geerida Wiilkan ayaa waxa Xaqiijiyey Weriyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV) uga soo warrama Magaalada Berbera Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud, kaasi oo Sawirka Wiilka geeriyooday iyo Warka Geeridiisaba ku baahiyey barta uu ku leeyahay facebook.

Weriye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud wuxuu sheegay in Meydka Wiilka Baddu liqday lagu hayo Tajaaladda Meydka ee Cisbitaalka guud ee Berbera, si ay halkaa uga qaadaan Ehelkiisa oo lala sugayo.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: