ARDAYDA DUGSIGA FARSAMADA GACANTA HARGAYSA OO RAALIGELIN KA BIXIYEY HADAL AY WARBAAHINTA MARIYEEN + MAAMULAHA DUGSIGAASI OO KA HADLAY……

Hargaysa, December-19-2018. Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga farsamada gacanta ee magaalada hargaysa ayaa raaligelin ka bixiyey hadal ay warbaahinta qaarkeed ka sheegeen, taasi oo ku sheegeen in tacadi iyo jidh-dil lagu sameeyo, arrintaasi oo ka yaabisey maamulka, macalimiinta dusigaasi iyo guud ahaan wasaaradda waxbarashadda. Sidoo kale, waxay ardaydaasi ka cabanayeen lacag $30 doolar ah, taasi maamulka dugsigu sheegeen in ay doonayeen in ay u isticmaalaan daabacaada imtixaanka nakhliga ah, laakiin aanay ahayn lacag joogto ah oo ardayda laga qaadi doono.

Arrinta tacadiga ee ay ardaydani warbaahinta mariyeen ayaa fajiciso ku noqotay bahda waxbarashada taas oo bulshada qaarkeedna u fasirteen dunuub culus oo laga galay ardayda wax ka barata dugsigaasi. Baadhis iyo dabagal balaadhan oo ay wasaaradda waxbarashada iyo saynisku samaysay arrintaasi, waxa ka soo baxday in aanay arrintaasi sal iyo raad toona lahayn.  Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska oo ka jawaabaysey cabashada ay ardaydaasi u soo gudbiyeen, ayaa ku amartay maamulka dugsigaasi in aanay mar danbe ku dhaqaaqin talaabo aanay wasaaradda waxbarashadu la oggeyn, taasi oo ay isla qaateen maamulka dugsiga iyo madaxda wasaaraddu.

Haddaba qaar ka mid ah, ardaydii warbaahinta la hadashay ayaa garawsaday in talaabadaa ay ku dhaqaaqeen ahayd mid gef iyo laf jab ku ah sumcada iyo karaamada dugsigaasi iyo guud ahaan ta wasaaradda waxbarashada ba, sidaa darteed waxay maamulka iyo wasaaradda waxbarashada ka raali geliyeen talaabadaa ay ku dhaqaaqeen.

Maamulaha dugsiga farsamada gacanta ee hargaysa Md. Cabdilaahi Ciise Cawaale oo aan isagana wax ka weydiinay cabashada iyo tacadiga ardaydu sheeganayso, ayaa waxa uu xusey in aanay jirin waxaa ay sheegeen, arrintaasina ay ku noqotay yaab iyo amakaag. Sidoo kale waxa maamuluhu waxa sheegay in aanay jirin tacdi iyo jidhdil lagu sameeyo ardayda dugsigan laakiin ay u geysay hadal-qaadka ereyga “tacadi”, garasho la’aan iyo aqoon daro ka haysa macnaha dhabta ah ee ereyga TACADI.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: