Allaybaday: Afar Carruur Ah Oo U Dhintay Xanuunno Ka Dillaacay Deegaan Ballaadhan

Allaybaday (Dhamays)  – Sida la xaqiijiyey Afar Carruur ah ayaa Deegaanka Waalid-Xoor oo ka mid ah Degmada Allaybaday ugu dhintay Xanuunnada Kixda iyo Jadeecada oo Dhul ballaadhan oo Degmadaasi ah ka dillaacay.

Sidaana waxa sheegay Maayarka Degmada Allaybaday Cabdirisaaq Sheekh Cabdillaahi Maxamed oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Allaybaday, waxaanu Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka dalbaday inay Gurmad deg-deg ah la soo gaadhaan deegaankaasi, maaddaama buu yidhi ay naga go’een Dawooyinkii aanu ku tallaalaynay Carruurta aanay weli haleelin Xanuunnadaasi.

Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muddo saddex Toddobaad ka hor ah ayaa waxa deegaanka ka dillaacay xanuunnada Jadeecada iyo Kixda. Xanuunnadani waxay ka dillaaceen Deegaannada Koonfureed ee Allaybaday oo ay ka mid yihiin Waalid-Xoor, Diini-goobaale, Laaya, Tin-cadda, Heeryo iyo Allaybaday. Waxaanu ku dedaalnay sidii aanu u tallaali lahayn Carruurta ay ku dhaceen mooyaane Carruurta kale, waxa aad noo caawisay Hay’adda Bisha Cas oo noo soo dirtay Koox nala Tallaalayey wallow ay ka awood badatay.”

Maayarku waxa kale oo uu sheegay “Xanuunnadan waxa deegaanka Waalid-xoor waxa ugu dhintay illaa Afar Carruur ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa naga go’ay Daawadii aanu ku tallaalaynay Carruurta deegaanka, waxaanuna la hadalnay Wasaaradda caafimaadka iyo Isku-duwaha Gobolka waxayna noo sheegeen inay wax ka qabanayaan, markaa culayska ugu weyn ee na haystaa waxa weeyaan in Tallaal lala soo gaadho Degmada Allaybaday.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: