Allah Ha U Naxariistee Abwaankii, Majaajulaystihii Caanka Ahaa Boon Xirsi Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargeysa (DMG)- Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun Allah ha Naxariistee Abwaan Boon Xirsi Ayaa Caawa Fiidkii Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Ilahay Ha U Naxariistee Abwaan Boon Xirsi Oo ka mid ahaa Majaajulayaasha Sida weyn looga Yaqaan Gayiga Soomalidu Dagto, Isla markaana ka mid ahaa Abwaanada waa-weyn ee sida Wayn uga soo qayb qaatay hurumarka Fanka Soomaaliyeed.

Marxuum Abwaan Boon Xirsi ayaa la sheegay in dhawan xanuun ku soo booda ahi haleelay, isla markaana uu mudo yar uun jiifay; hase ahaatee Caawa Fiidkii uu ku Geeriyooday Gurigiisa oo ku Yaalay magaala madaxda J.S.L ee  Hargeysa, isaga oo xanuun ku soo booday u jiifay gurigiisa.

 

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Wararka ee Dhamaysnews ayaa  Tacsi U Dirayaan Dhamaan Ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Rabi Ha U Naxariitee Abwaan Boon Xirsi, waxaanay marxuunka ilaahay uga baryayaan inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aaamiin.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: