Abwaan, Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ah Muwaadin Somaliland U Dhashay Ayaa Ka Warbixiyey 88 Caano-maal Oo Uu Sharci Daro Ugu Xidhnaa Xarunta CID Hargeysa

siciid-maxamud-gahayrHargeysa (DMG)- Abwaan, Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo 88-maalmood ah ku xidhnaa Xarunta CID-da Hargeysa, ayaa dib xorriyadiisii u helay, kadib markii ay maxkamaddu ku weyday dembiyo lagu soo oogay, waxana uu daqiiqado kadib markii lasii daayey uu saxaafadda uga warramay asbaaba xadhigiisa.

 

Qoraa Siciid, ayaa tallaabada mudda saddexda bilood ah ee xorriyadiisa lagaga haystay Ku eedeeyay Xukuumada Axmed Siilaanyo Gaar ahaan Waxa  uu dusha u saaray masuuliyiinta wasaaradaha Duulista hawada iyo madaxtooyada, kuwaas oo uu sheegay inuu wax ka qoray Isla markaana qoraalladaasi uu ka qoray ay ahaayeen kuwo xaqiiqo ah,  waxanu hadalkiisii ku bilaabay Sidatan “Xadhigayga waxaa masuul ka ahaa masuuliyiinta wasaaradaha Duulista iyo Madaxtooyada, waxana laga gubtay maqaallo aan xaqiiqada kaga hadlay iyo dhibaatooyin wasaaradda Duulista ka dhacay xilligii uu masuulka ka ahaa wasiir Maxamuud Xaashi” ayuu yidhi Siciid Maxamuud Gahayr.

 

Mar uu ka hadlayey waxyaabaha qoraallada lagu haystaa salka ku hayeen, ayaa waxa uu yidhi,“waxan iftiimiyey in wasaaraddii duulista laga dhigay madal qabyaaladeed oo wax badan oo qalad ahi ka muuqdaan oo dad badan oo ganacsato ah lagu naas nuujiyo.”

 

Qoraa Gahayr, ayaa sheegay in kiiskii loo haystay la xidhay, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay cid kasta oo helitaanka xorriyadiisa ka qayb qaadatay,“kiiskaygii waa la xidhay, runtana ka tanaasuli maayo oo xaqa waan sheegi doonaa. Bulshaduna si buuxda ayey ii taageereen waanan uga mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Siciid Maxamuud Gahayr.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: