Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyay Muj. Axmed-Kanadi Sh.Ibraaim Sh.Cumar Sh.Madar

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Maanta Magaalada Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyay Mujaahid Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar Sheekh Madar (Axmed-kanadi), kaasi oo qayb weyn ku lahaa dib xorrayntii Jamhuuriyadda Somaliland.

Aaska Marxuumka waxa ka qayb-galay, Madaxweyne ku-xigeenkii 2-aad ee Somaliland, Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Mujaahidiintii SNM iyo Dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne ku-xigeenkii oo Xabaasha dusheeda Warbaahinta kula hadlay ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Ehelka, Qaraabada, Mujaahidiinta SNM iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, isagoo sidoo kalena ka warramay halgankii SNM iyo doorkii uu Marxuumku ka soo qaatay, waxaanu yidhi “Axmed-kanadi Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisa iyo Shacabka Somaliland-na Samir iyo iimaan haka siiyo. Axmed-kanadi wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii naftooda u hurtay Dalkan iyo Dadkani inuu xoroobo, halgankaa Maanta midhihiisii waalla hayaa, isagoo keliya maaha ee intii halgankaa ku dhimatay Ilaahay ajar haka siiyo.”

Cabdiraxmaan Aw Cali wuxuu ka warramay shaqsiyaddii Marxuum Mujaahid Axmed-kanadi “Marxuumku wxuu ahaa Nin Geesi ah oo dhallinyaro ah..” ayuu yidhi.

Geesta kale Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siira), Oo kamida Culimadda Waaweyn ee Somaliland, Isla markaana Safar Ugu Maqan Dalka Dibadiisa, kana mid ah Ehelka Marxuum Axmed-kanadi, ayaa isaguna Dhambaal Tacsi ah u diray Qoyska, Qaraabadda Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanu sheek adam ka warramay doorkii uu ku lahaa Halgankii SNM u soo gashay xorrayntii Somaliland, waxaanu yidhi “Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar Sheekh Madar (Axmed-kanadi), wuxuu ka mid ahaa Dadkii Waddankan xornimadiisa kaalinta weyn ku lahaa. Isagoon 20 jir gaadhin ayuu ka mid ahaa 19 Wiil ee lagu xidhay Qandala ee illaa Boosaaso lagu hayey ee dhibaatada badani ay gaadhay. Markii ay soo baxeena wuxuu ahaa Ninkii Hawl-galka ka fuliyey xaruntii ahaan jirtay Xarunta Xisbiga ee Timo cadde, Inamadii Hawl-galka ku jiray, isagoo habeenkaa Qaybtaas ayuu qaabilsanaa, haddana wuxuu ka mid ahaa 7-dii Inan ee Dilka lagu xukumay ee muddada lagu hayey Mandheera ee Dadkii halganka ku jiray ay soo furteen..”

Sheekh Aadan-Siira oo hadalkiisa sii wata ayaa ka iftiimiyay noloshii Marxuumka ee sanadihii dambe “Axmed intii dambe duruufo badan ayuu la kulmay, Dadka iyo dalkana kama helin Xaqii uu ku lahaa, laakiin Qaddarkaa yimid, sidaa darteed Ilaahay SW waxaynu uga baryaynaa inuu Qabriga uga dhigo mid ka mid ah Jannooyinkiisa..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay baynu SW uga baryey inuu Ehelkiisii, Shacabka Somaliland iyo dadkii khayrka badnaa ee uu ka dhashayna uu Samir iyo iimaan ka siiyo, isagana waxaynu Ilaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto..”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: