26 Qof Oo Gaajo Iyo Harraad Darteed Ugu Geeriyooday Jubadda Dhexe Iyo Gedo Ee Soomaliya

Soomaaliya (Dhamays) – Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Jubbaland, ayaa sheegay in abaaraha ka taagan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo ee Soomaaliya ay sababeen dhimashada 26 qof, sida uu ku warramay raadiyaha dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho.

 

Deegaannada laga sheegayo Abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland.

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maamul-Goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku baaqay in gurmad ballaadhan loo sameeyo dadka ku nool deegaanadaasi.

 

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka taagan abaar saameyn ballaadhan ku yeeshay dadka iyo duunyada.

 

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaarahani ay isu beddeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011 markasoo kumanaan qof ay dhinteen.

 

Dowladda Soomalaiya ayaa hore u sheegtay in abaaraha ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhimashada ka badan 100 qof.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: