18 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ciidan Oo Itoobiya Ku Burburtay

Itoobiya (Dhamays)  – 18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milaterigu leeyahay ay ku burburtay duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in cidna ayna ka badbaadin shilkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaraddaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay ku sii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia, waxaana dhintay rakaabkii saarnaa oo dhan.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo saddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen diyaaradda dhacday.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baadheyaasha iyo kooxaha baadi-goobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: