“Xukuumaddu Way Xidhay Dekedda Berbera..” WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo xilligan ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku eedeeyay inay Dalka gelisay Xaalad adag oo Dhaqaale iyo mid Maamulba ah.

Xuseen Axmed Caydiid oo Hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku qabsaday Magaalada Balligubadle, ayaa sheegay in Xukuumaddu xidhay Dekedda Berbera,

“Dekedda Berbera way xidhantay oo Maraakiibtii waxay uga wareegeen Dekedaha kale ee Gobolka. Been bay ahayd wixii la lahaa waa la Maal-gelinayaa Dekedda..” ayuu yidhi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal