Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Heshiis Mugdi Siyaasadeed ku Jiro La Gashay Maamulka Khaatumo

Hargeysa (Dhamays)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee muddo xileedkeedii Labada Jeer Dhamaaday isla markaana afarta bilood ee kaliya u hadhsantahay yihiin, ayaa Sabtidii toddobaadkan waxay heshiis aan cadayn oo qasdigiisu yahay in la abuuro duruufo mar kale dib loogu dhigayo  doorashadda madaxtooyada ee muddaysan 13 November 2017, waxay la gashay  kooxda Khaatumo oo beryahanba ku sugnaa caasimada Hargeysa.

 

Heshiiskan oo shan qodob ka koobnaa, waxa dhinaca Somaliland u saxeexay  Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, halka maamulka Khaatumo-na uu qalinka ugu duugay Prof. Cali Khaliif Galaydh,  waxaa xukuumaddu heshiis kula gashay kooxdan in la furo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, si wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyo. Hase ahaatee wax tafaasiil ah lagama bixin baahida keentay iyo qodobbada wax laga beddelayo midna.

Qoddobka saddexaad ee Heshiiskan, waxa uu u dhignaa sidan “3. In dastuurka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo caddaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.”

 

Waxa kale oo jiray qodobka shanaad oo u qornaa sidan: “5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.”

 

Dadka siyaasadda faaqidaa waxay   aaminsan yihiin in heshiiska Somaliland iyo Khaatumo uu yahay mid yacyacood ah oo ay gashay dawlad ku jirta marxalad kala guur ah oo doorasho oo aan awood buuxda u lahayn inay qaranka ku metasho go’aamo siyaasiya oo waaweyn oo ay ka mid tahay in dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland la furo.

 

Sidoo kale, xukuumaddu ummada umay fasirin qaabka uu ku imanayo wax ka beddelka dastuurka oo ku cad qodobka 126-aad ee dastuurka dalka oo u qoran sidan:-

 

QODOBKA 126AAD

 

WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA

 

 

 

1.  Soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh:­

 

b.  Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado Golaha Xukuumadda.

 

t.  1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha Wakiilada.

 

j.  1/3 (Saddex meelood meel) tirada guud ee Golaha Guurtida.

 

2.  Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna.

 

3. Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa ay Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha Wakiilladu aqlabiyadda tiradiisa ku go'aansado in loo baahan yahay wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda.

 

4.   Wax-ka-beddelka qodob ama qodobo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtidu uu mid waliba goonidusa isugu raaco.

 

5.  Haddii Golaha Wakiiladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka jyo/ama kaabidda 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo  celinayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.”

 

Geesta kalena,  waxaa heshiiskan ka muuqda in duuduub lagu qaatay qodobbadii Khaatumo la soo shir tagtay oo fikirka furista dastuurku yahay mid uu muddo dheer ku taamayay Hoggaamiyaha Kooxdaas Cali Khaliif Galaydh oo shirkii beelaha Somaliland ku yeesheen Boorame sannadkii 1993-kii la shir yimmi in la beddeli qaab dhismeedka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la sameeyo dhawr madaxweyne ku xigeen ama Madaxweyne iyo Ra’iisul-wasaare. Markii ergadii ka diidayna Somaliland xamaantiisa ka urursaday.

Qodobbada heshiiskani marka si guud loo lafo guro, waxaa uu abuurayaa shaki hor leh oo uu kala dhex dhigayayo ummada Somaliland. Si kastaba arrintu ha noqotee waxaa habboon in madaxweyne Siilaanyo dadka u fasiro heshiiskan aan laga baaraan-degin ee uu la galay kooxda Khaatumo.

 

 

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal