Xukuumadda Soomaliland Oo Soo Dhaweysay Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaliya Iyo Sababta

Hargeysa (Dhamays)- Xukuumadda Soomaliland Oo Soo Dhaweysay Madaxwaynaha Cusub Ee Loo Dooortay Dawlada Federaalka Soomaliya Iyo Fariin Duurxula ahna u Diray Madaxwayne Farmaajo.

 

Af-hayeenka Madaxwaynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr oo warbaahinta u akhriyey Wareegtada la soo saaray ayaa uu ku sheegay in Xukumada Somaliland ay soo dhawaynayso Doorashada Madaxwaynaha cusub ee dalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

 

Xukumadda Somaliland ayaa waxay dhanka kale Madaxwaynaha cusub ugu baaqday in si dar dar leh loo bilaabo wadahadalada labada dhinac u socday isla markaana ay ay Somaliland dhankeeda diyaar u tahay Wadahadalada.

Dhanka kale warka  ka so baxay Xafiiska Afhayeenka ayaa waxa lagu sheegay in xukumada Somaliland ay doorashada Madaxwayne Farmaajo Xusuusinayso gooni isu taaga iyo wadatashiga Qaranka Somaliland waxaana lagu sheegay Warkaasi in Somaliland ay uga digayso in uu qaado jidkii qaldanaa ee ay mareen ayaa lagu yidhi warkan madaxwaynayaashii ka horeeyey kuwaasi oo ahaa masuuliyiin ku sifoobey carqaladaynta iyo faro galinta Qadiyada,Gooni isku taaga Qaranka Somaliland, Faah-faahinta Warkaasi Halkan hoose Ka Daawo.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal