Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Dibed-baxyo Uu Musharraxa WADDANI Ugu Baaqay Dhallinyarada Dalka, Haddii Doorashadu Dhici Waydo 13-ka November

“Dumarka jajaban ee Cisbitaalada ku jira qixin mayno, adiguna Cabdiraxmanow qixin kari maysid..” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabay mudaharaadyadii uu ballanqaaday musharaxa xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in xukuumaddu dalka ku hoggaaminayso nabadgalyo.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo doraad la hadlay dhallinyaro uu Xisbigu madal ku kulmiyey ayaa ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan inay u dhintaan sidii Dimuqraadiyadda dalka looga bedbaadin lahaa Xukuumadda oo uu ku eedeeyay in aanay doorasho diyaar u ahayn.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha gudaha oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka jawaabay baaqa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, waxaanu intaa ku daray “Dhulkan waa loo soo dhintay, xabadda xabadka ayaa loo soo dhigay, waa loo soo naafoobay, halgankaasi wuxuu dhalay nabadda, naxariista iyo wanaagga maanta la joogo, ee uu isagu hamiga iyo qamiga ku leeyahay ee uu leeyahay Madaxweyne ayaan doonayaa..”

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland, ay nabad ku hoggaaminayso shacabka, isla-markaana ay dhalinyarada Somaliland wada walaalo yihiin “Waxaanu idinku hoggaaminaynaa nabadgalyo, waxaanu idinku hoggaaminaynaa isjacayl, waxaanu idinku hoggaaminaynaa haddii aad Kulmiye tihiin, dhalinyarada Waddani joogtaana waa walaalihiin, dhalinyarada UCID joogtaana waa walaalihiin, axsaabta siyaasiga ahi qaranka midka ah ayay kamid yihiin” ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay shacabka qixin doonin, isla-markaana aanu Cabdiraxmaan-Cirro cidna qixin karin “Jaamacadaha idinka qixin mayno, iskuullada idinka qixin mayno, Dumarka umusha ah iyo dumarka jajaban ee Cisbitaalada ku jirana qixin mayno, adiguna Cabdiraxmanow qixin kari maysid” ayuu yidhi Kaahin.

Madaxda sare ee xisbiga Waddani, ayaa kulan ay la yeesheen qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Hargaysa Jimcihii, kula ballamay in ay banaanbaxyo sameeyaan haddii doorashadu dhici waydo 13, November, 2022.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal