Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dacwadda Xisbiga UCID Ee Xildhibaannada Deegaanka Iyo Maayarka Saylac Oo Xilka Laga Qaaday

Hargeysa (Dhamays) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ka hadashay Maayar iyo Maayar ku-xigeen cusub oo toddobaadkan Golaha deegaanka ee Degmada Saylac ku doorteen Fadhi ay yeesheen.

Golaha Deegaanka Saylac oo fadhi yeeshay, ayaa xilka ka qaaday Maayarkii iyo ku-xigeenkii degmadaa, waxayna taa beddelkeeda doorteen Maayar iyo Maayar ku-xigeen cusub, laakiin Wasiir ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Wasaaraddu hubinayso Sharciga Golaha Deegaanka ee Saylac ay ku doorteen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub, maaddaama buu yidhi Wareegto uu Wasiirka Arrimaha guduhu hore u saaray lagu hakiyey in Goleyaasha deegaanku yeeshaan Fadhiyo ay xilka kaga qaadaan Maayarrada, kuna doortaan Maayarro cusub.

Jaamac-biin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu soo saaray Xeer (dhigaya) inta Doorashada ka horeysa (inaan Goleyaasha deegaanku Cidna Xilka ka qaadi karin, dooranna karin), laakiin Qoladaasi (Golaha Deegaanka Saylac) Cid wax la ogeyd ma jirto, oo awood bay ku muquuniyeen (Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ay xilka ka qaadeen), Annaguna Idaacadaha ayuun baanu ka maqalnay.” 

Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Xil ka qaadista iyo Doorashada ay iskood u sameeyeen Golaha Deegaanka Saylac loo eegayo Sharciga, “Sharciyadda ayaa loo eegayaa, siday isku waafaqayaan ama ka xoog-weynaanaya Xeerkaasi iyo (Doorashada ay sameeyeen)..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hore ayay cabasho noogula yimaaddeen (iyagoo codsanaya inay Fadhi yeeshaan), laakiin waanu ka diidnay wakhtigaa.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay Dacwadda uu Xisbiga UCID ka gudbiyey Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka iyo Maayarrada Magaalooyinka Somaliland qaarkood, ee uu ku doonayo in laga saaro Goleyaasha deegaanka, haddii ay Xisbiga UCID ka baxeen oo ay KULMIYE ku biireen. Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Arrintaasi xilligan dhibaato kale keeni karto, oo aan loo baahnayn.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal