Hargaysa (Dhamays)- Shirkan ay maanta iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Duuliska, Hawada, Wasiiru Dawlaha Amniga, Taliyaha ciidanka Booliska Iyo Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland ayaa siwada jira Ugu Dhawaaqay in Gabi ahaan-ba La Mabnuucay Baasaboorka Soomalilaya.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon,Wasiirka arrimaha Guddaha, Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista-hawada, Maxamed Muuse Diiriye, Wasiiru Dawlaha Amniga Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Sareeye Guudo Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidamada Boliska, iyo Maxamed Cismaan Caalin (dayib) Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa waxay soo saaray Go'aan dalka lagaga mabnuucay Guud Ahaanba Isticmaalka Baasaboorka Soomaaliya ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017-ka, kulankan ay yeesheen Masuuliyiintan kor ku xusan ayaa waxa uu ka qabsoomay xafiiska wasiirka arrimaha guddaha Somaliland,kaasi oo lagu cusboonaysiiyey, qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo lagu mabnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka Soomaliya ee lagu sameeyo ama laga soo saaray goobo kamida gudaha dalka Somaliland.
Go’aamadan ay Wasiiradu isla-qaateen ayaa u dhignaa Sidan hoos ku qoran:
1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee kazoo baxay ama ku qorantahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.
2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee la mamnuucay Isticmaalkiisa.
3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland.