XOG CULUS: Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Shirkadda Hass Iyo Wasiir Qambi?

Hargeysa (Dhamays)- Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyaynta Iyo Dhulka Somaliland ayaa eedaymo Culus u soo jeediyay shirkadda Shidaalka ee Haas Petrolium, Isaga oo ku eedeeyay inay Abaabulayso, islamarkaana Maal galinayso Jabhado laga Samaynaayo Deegaanka Buuhoodle.

Dhinaca kale madaxda iyo masuuliyiinta ugu saraysa Shirkada Hass petroleum ee Somaliland iyo Somalia ayaa si adag uga jawaabay Eedaymahaas uu u soo jeediyay Wasiir Qambi.

Gudoomiyaha Hass Petroleum ee Somaliland Cabdirisaq Ibrahim Ataash iyo Gudoomiyaha Shirkadaasi ee Somalia Cabdiraxman khoorshoof ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka wasiir qambi, waxaanay sheegeen masuuliyiintaasi u hadlaayay Haas Company, inay Maxakamad la Tiigsan doonaan wasiir Cabdirashii Ducaale Qambi, faahfaahinta Warkaasi halkan hoose ka Daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*