Xisbiga WADDANI Oo Dacwad U Gudbiyey Maxkamadda Sare Ee Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Maanta Maxkamadda Sare u Gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Maxkamadda Sare Horteeda kula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay Maxkamadda u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Amarkii Xukuumaddu ku diiday in Xisbiga WADDANI uu Huteelka Maansoor ee Hargeysa ku soo bandhigo Deraasad uu ka diyaariyey Dhibaato uu sheegay inuu Somaliland u soo jiidi karo Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadku ka dhisanayso Magaalada Berbera.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, imikana ka mid ah Xisbiga WADDANI Xuseen Axmed Caydiid, oo Arrintaa faahfaahinaya ayaa yidhi “Waxaanu ka dacwoonaynaa Cilmi-baadhistii uu Xisbiga WADDANI soo diyaariyey ee Xukuumaddu is-hor-taagtay in la soo bandhigo, iyadoo Xukuumaddu ku gefaysa Dastuurka iyo Qawaaniintii Xisbiyada.”

Xuseen Axmed Caydiid wuxuu sheegay inay Rejo ka qabaan in Maxkamaddu dacwaddooda ka soo saarto Go’aan wanaagsan, “Waxaanu rajeynaynaa inuu Maxkamadda ka soo baxo Qaraar Dimuqraadiyadda anfaca, Qaraar u hiiliya Ummadda iyo Cadaaladda..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Heshiiska Saldhigga Berbera aanay kala saxeexan Imaaraadka Carabta iyo Somaliland, balse ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Imaaraadku “Saldhigga Berbera tuhunka ugu weyni waa in Heshiiskiisa lala galay Soomaaliya, waataa Saxaafadda Caalamku qorayso ee Kow lahayn, ee aan laba lahayn. Waad ka war haysaan in Hanti-dhowraha Soomaaliya uu ka hadlay ee uu yidhi Heshiiskan waxa saxeexday Xukuumaddii meesha ka tagtay (ee Xasan Sheekh), taasi oo ah in Xukuumaddeennu innaga dhigayso Maamul-gobolleed, oo marka lala heshiiyey Xaggii sare (Soomaaliya), innagana Gacan ku haynta yar ee (Berbera) uun la innaga laaluushayo, markaa inta lala dhuumanayaa waa intaa, haddayna taasi jirin Xukuumaddu bilo ayay wadday ee wax dhab ah ayay keeni lahayd oo waxay odhan lahayd Heshiiskaa waa kaa’, qodobbadiisii waa kuwaa, Hebel iyo hebel baa saxeexay, waxaasaa aynu xuquuq u leenahay, waxaasna waajib baa la inoogu leeyahay. Markaa haddayna taasi jirin ta la qaadanayaa waataa ay Soomaaliya sheeganayso Warbaahinta Caalamkuna ay sheegayaan, xaqiiqduna waxay noqonaysaa in Heshiiska Saldhigga lala galay Soomaaliya.”
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal